Uganda oo sheegtay in Mareykanka uu wadhaadal qarsoodi ah la bilaabay kooxda Al-shabaab

Jul 10 (Jowhar) Taliyaha Ciidamada Difaaca Uganda, Janaraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa soo sheegay iney dib u eegis ku sameynayaan joogitaanka ciidamada Uganda ee Soomaaliya, isagoo sabab uga dhigay wararka sheegaya in Mareykanka uu bilaabay wadahadallo qarsoodi ah oo uu la leeyahay kooxda Al-Shabaab.

Sheekadan ayaa dhalisay dood cusub oo ku saabsan doorka Uganda ee howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika, iyo weliba su’aalo ku saabsan isbeddellada amniga gobolka Geeska Afrika ee weli colaadaha ragaadiyeen.

Janaraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa xusay in Mareykanka iyo dalalka reer Galbeedka ay u muuqdaan kuwo aqoonsanaya kooxaha xiriirka la leh Al-Qaacida, wuxuuna tusaale usoo qaatay kooxdii Syria ee xukunka dalkaasi lagu wareejiyay  isla markaana laga yaabo inay sidoo kale aqoonsadaan kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.

“Waan maqalnay in Mareykanku uu bilaabay wadahadallo qarsoodi ah oo uu la leeyahay Al-Shabaab” ayaa lagu yiri farriinta, taasoo lagu soo gaba-gabeeyay baaq ku wajahan Madaxweyne Museveni oo ah inuu tixgeliyo in ciidamada Uganda si buuxda looga saaro Soomaaliya, kaddib 18 sano oo joogitaan ah.

Uganda waxay ciidamo ka joogeen Soomaaliya tan iyo 2007, iyagoo qeyb ka ahaa howlgalka Midowga Afrika ee nabad ilaalinta, marka hore loo yaqaanay AMISOM, mar danbena laga dhigay ATMIS.

Inkastoo hadalka wiilka uu dhalay madaxweyne Museveni ahna taliyaha ciidanka Uganda uu culays leeyahay, haddana wax caddeyn ah lagama hayo in Mareykanka uu si toos ah wadahadallo ula bilaabay kooxda Al-Shabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More