Heshiis laga gaaray murankii ka taagnaa furitaanka shirka dhameystirka SSC Khaatumo
Jul 12 (Jowhar)Shirka dhammaystirka maamulka SSC-Khaatumo ayaa go’aan laga gaaray, waxaana dhinacyadu isku raaceen in shirku ku socda qaabka ay ugu talagashay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.
Culimada deegaanka ayaa ku guulaystay in is-afagarad nabdoon lagaga gudbo kala aragti duwanaanta u dhaxaysa xukuumadda SSC iyo siyaasiyiinta hanka kaleh hoggaaminta maamulka.
Sida la filayo waxaa maanta ka furmaya Laascaanood shirka dhammaystirka SSC kaas oo baaqday Khamiistii la soo dhaafay.