Maraykanka iyo Ukraine ayaa tilmaamay inay ku kulmi doonaan Sacuudiga
Mar 07 (Jowhar)-Saraakiisha Maraykanka iyo Ukraine ayaa tilmaamay inay ku kulmi doonaan Sacuudiga toddobaadka soo socda si ay uga wada hadlaan qaab nabadeed oo lagu soo afjarayo dagaalka Ruushka iyo Ukraine.
Tani waxay daba socotaa in Washington ay hakisay kaalmadii militari iyo la wadaagii sirta ee Kyiv toddobaadkan, maalmo kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo dhiggiisa Ukraine Volodymyr Zelenskyy ay isku dhaceen Aqalka Cad.
Ergeyga gaarka ah ee Trump Steve Witkoff ayaa xaqiijiyay in uu saraakiisha Ukraine kula kulmi doono Sucuudiga toddobaadka soo socda si ay u dejiyaan qaab-dhismeedka heshiis nabadeed.
“Hadda waxaan ku jirnaa wadahadallo aan isku dubarideyno kulan aan la yeelaneyno Ukrainiyiinta ee Riyadh ama xitaa Jeddah suurtagal ah. Markaa magaaladu way yara wareegaysaa, laakiin waxay noqon doontaa Sacuudi Carabiya, ”Witkoff ayaa saxafiyiinta ugu sheegay meel ka baxsan Aqalka Cad Khamiistii.
“Waxaan u maleynayaa in fikradda ay tahay in la dejiyo qaab-dhismeedka heshiis nabadeed iyo xabbad joojin bilow ah sidoo kale.”
Zelenskyy ayaa sidoo kale sheegay in uu u safri doono Sacuudiga isniinta beri isaga iyo kaadiriin saraakiil ah uuna qorsheynayo in uu kulamo la yeesho madaxda Mareykanka.
“Waxaa ii qorsheysan inaan booqdo Sacuudiga si aan ula kulmo dhaxal-sugaha Boqortooyada. Intaa ka dib, kooxdaydu waxay sii joogi doontaa Sacuudi Carabiya si ay ula shaqeyso saaxiibada Mareykanka,” Zelenskyy ayaa ku yiri khudbad fiidkii Khamiista. “Ukrayn waxa ay aad u xiisaynaysaa nabadda.”
Kulankan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee heer sare ah oo ay yeeshaan saraakiisha Mareykanka iyo Ukraine tan iyo bishii February 28-dii kulankii Zelenskyy iyo Trump uu dhex maray kulan qeylo ah, waxaana uu dhamaaday iyadoo hogaamiyaha Ukraine laga codsaday inuu ka baxo Aqalka Cad.
Ka dib ismaandhaafkii dadweynaha, Trump wuxuu jaray wadaagis sirdoon iyo gargaarkii Ukraine.
Si kastaba ha ahaatee, Talaadadii, wuxuu sheegay inuu helay warqad ka timid Zelenskyy taasoo hogaamiyaha Ukraine uu ku sheegay “inuu diyaar u yahay inuu yimaado miiska wada xaajoodka sida ugu dhakhsaha badan”.