Browsing Category
NEWS
NEWS
Kenya oo mamnuucday duulimaadyada dalka Soomaaliya
Dowlada Kenya ayaa mamnuucday dhammaan duulimaadyada tegeya iyo kuwa ka imanaya dalka Soomaaliya,marka laga reebo arrimaha caafimaadka deg-degga ah iyo duulimaadyada Hay'ada Qaramada Midoobay ee arrimaha bani'aadanimada.
Farmaajo oo u ambabaxay dalka Uganda
Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada Kambala ee caasimadda dalka Uganda.
Waare oo ku eedeeyay dowlada federalka inay xayirtey dhaqaale loogu deeqay Hirshabelle
Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku eedeeyay wasaarado ka tirsan dowladda Soomaaliya inay xayireen malaayiin dollar oo loogu deeqay in wax loogaga qabto fatahaadaha wabiga Shabelle.
Wararkii ugu dambeeyay Shaqaaqooyin ka taagan Falastiin
Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Falastiiniyiinta ee magaalada Qaza ayaa sheegtay in sagaal Falastiiniyiin ah lagu dilay duqeymaha cirka ee Israa’iil ay ka wado dhulka Falastiin.
Manhaj loogu talogalay ardayda arragga la’ oo Muqdisho lagu soo bandhigey
Dalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay waxa uu yeeshay manhaj loogu talogalay ardayda dugsiyada hoose iyo dhexe oo u gaar ah ardayda aragga la'.
Dowlada Federalka oo dalbatay in la bedelo Ergeyga cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya
Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa qoraal ay u qortay Midowga Afrika waxa ay uga dalbatay in la bedelo ergeyga cusub ee dhowaan Midowga Afrika u soo magacaabay dalka Soomaaliya John Mahama.
Madaxweynayaashii hore Soomaaliya oo kulan gaar ah ku yeeshay Muqdisho
Madaxweyneyaashii hore ee dalka Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.
Inkabadan boqol askari oo Ethiopian ah oo magangalyo weydiisatay dowlada Sudan
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in askar nabad ilaaliyeyaal hore oo itoobiyaan ah oo tiradoodu ka badan tahay boqol ay weydiisteen magangalyo caalami ah dowlada Sudan.
Ra’iisul Wasaare Rooble”Waa in aan isu kaashannaa la dagaallanka argagixisada”
Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee xalay lagu qaaday saldhigga booliska degmad Waaberi ee magaalada Muqdisho.
Farmaajo oo ka hadlay qarax xalay lagu diley saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska
Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay qarax ismiidaamin ah oo xalay lagu weeraray saldhiga booliska degmada Waaberi.
Dowlada oo beenisay in la fasaxay qaadka ka baxa dalka Kenya
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa beenisay in ay fasaxda qaadka loo yaqaan Miirowga ee ka baxa dalka Kenya,kadib markii ay dowlada la soo ceshatay xiriirka diblumaasiga dalka Kenya.
Faahfaahin ka soo baxaysa qarax caawa ka dhacay Muqdisho
Qarax caawa lagu weeraray Saldhigga degmada Waaberi ayaa dadkii ku dhintey waxaa ka mid ahaa taliyihii saldhiggaas Axmed Cabdulaahi Baashane iyo qaar kale oo ka mid ah ciidamadi ka howlgalayay saldhigga.
Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho iyo Wararkii u dambeeyay
Qarax ismiidaamin ah oo ahaa qof waxyaabaha qarxa soo xirtay ayaa isku qarxiyay Saldhigga Booliska degmada Waaberi oo ku yaalla wadada Maka Al Mukarama.
Dubbe;”Ma jiro kulan ay dalka Qatar ku yeelanayaan Farmaajo iyo Uhuru”
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa beeniyey warar lagu faafiyey baraha bushada oo sheegayey in Madaxweynayaasha Somaliya iyo Kenya ay dhowaan ku kulmayaan magaalada Doxa ee dalka Qatar.
Faafaahin ka soo baxaysa qoys uu ku so dumay guri ku yaal duleedka magaalada Muqdisho
Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa khasaaraha ka dhashay derbi ku soo dumay qoys barakacyaal ah oo ku noolaa deegaanka Garasbaaley ee koonfurta magaalada Muqdisho.
Wararkii u dambeeyay Gantaalkii Shiinaha oo dhulka ku soo dhacay
Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in gantaalkii ka soo fakaday uu dhulka ku soo dhacay Badweynta Hindiya, gaar ahaan meel u dhow Jaziiradda Maldives.