Afar doonyood aya ku degeen xeebaha Yemen iyo Jabuuti

Mar 08 (Jowhar)-Afar doonyood oo ay la socdeen tahriibayaal Afrikaan ah ayaa ku qalibantay biyaha Yemen iyo Jabuuti, ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintay, 186 kalena waa la la’yahay, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka ee Qaramada Midoobay.

Afhayeen u hadlay Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa Jimcihii sheegay in labo ka mid ah doonyahaasi ay ku qalibantay Yemen gelinkii dambe ee Khamiistii.

Tamim Eleian ayaa sheegay in laba ka mid ah shaqaalihii markabka la soo badbaadiyay, balse 181 tahriibayaal ah iyo shan shaqaale Yemeni ah ayaa weli la la’yahay.

Madaxa howlgalka IOM ee dalka Yemen ayaa sheegay in dadka doonida la socday intooda badan la rumeysan yahay in ay ahaayeen tahriibayaal Ethiopian ah, shanta la sheegay in ay ahaayeen shaqaale Yemeni ah. Ugu yaraan 57, oo ka mid ah labada doonyood, ayaa ahaa dumar.

“Waxaan kala shaqeyneynaa mas’uuliyiinta si aan u aragno inaan heli karno kuwa badbaaday, laakiin waxaan ka baqayaa inaynaan haysan,” Abdusattor Esoev ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

Labo doonyood oo kale ayaa isku mar ku qalibantay dalka yar ee Afrikaanka ah ee Jabuuti, Eleian ayaa tiri. Labo meyd oo tahriibayaal ah ayaa la soo saaray, waxaana la badbaadiyay dhammaan dadkii kale ee saarnaa.

In kasta oo uu dagaal sokeeye ka socdo muddo ku dhow toban sano, Yemen ayaa weli ah marinka ugu weyn ee muhaajiriinta iyo qaxootiga ka imanaya Bariga Afrika iyo Geeska Afrika ee isku dayaya in ay gaaraan waddamada Khaliijka si ay uga shaqeystaan. Boqolaal kun oo qof ayaa isku daya in ay ka gudbaan sanad walba.

Si ay Yemen u gaadhaan, waxa dadka tahriibiya ku qaada doomo khatar ah oo buux dhaafiyey badda cas ama gacanka cadmeed.

Tirada dadka Yaman tagay waxay gaadhay 97,200 sanadka 2023 – laba jibaar tiradii 2021.

Laakiin sannadkii hore, tiradu waxay hoos ugu dhacday wax yar 61,000 iyadoo ay kordheen roondada biyaha, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay IOM bishan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More