Maraykanka Oo Qorshaynaya Qayb Ka Mid Ah In Safaaradda Ciraaq Laga Daad Gureeyo

Jun 13 (Jowhar)-Maraykanka ayaa bilaabaya daad guraynta qayb ka mid ah safaarada uu ku leeyahay Ciraaq iyo in dadka ku tiirsan milatariga loo ogolaado in ay ka baxaan meelo kala duwan oo Bariga Dhexe ah sababo la xidhiidha walaacyo amni oo sii kordhaya, sida laga soo xigtay ilo Maraykan iyo Ciraaq ah.

Afarta ilo ee Maraykanka iyo labada Ciraaqi ma faahfaahin khataraha gaarka ah ee amniga ee keenay go’aankan, iyo wararka xanta ah ee daadgureynta suurtagalka ah ayaa sababtay in qiimaha saliidda uu sare u kaco 4%.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay si joogta ah u qiimeysaa shaqaalaha Mareykanka ee dibadda jooga, go’aankan waxaa la sameeyay ka dib dib-u-eegis dhowaan,” afhayeenka Aqalka Cad Anna Kelly ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters markii la weydiiyay qayb ka mid ah daad-gureynta, iyada oo aan bixin macluumaad dheeri ah.

Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa xaqiijiyay in madaxweynaha Mareykanka Donald Trump lagu wargeliyay tallaabadan.

Gantaalada Iran ayaa waxaa qabtay difaaca cirka ee Israel sanadkii hore

Mr. Trump waxa uu si joogto ah uga digay weerar ka iman kara Iran haddii wada xaajoodyada la xidhiidha barnaamijkeeda Nukliyeerka aan horumar laga gaadhin, isagoo muujiyay hoos u dhaca kalsoonida ah in Iran ay ogolaato inay joojiso tayeynta Uranium-ka, dalabka muhiimka ah ee ka imanaya Maraykanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More