Muwaadin British ah oo ka badbaaday diyaarad ku burburtay Hindiya

Jun 12 (Jowhar)-Nin British ah ayaa noqday qofka kaliya ee ka badbaaday diyaaradii Air India ee maanta burburtay kadib markii ay ka kacday garoonka diyaaradaha magaalada Ahmedabad ee dalka Hindiya.
Qofkan ka badbaaday oo magaciisa lagu sheegay Vishwashkumar Ramesh waxa uu ku fadhiyey kursiga 11A ee diyaaradda Boeing 787-8 oo ku sii jeeday London markii ay burburtay wax yar uun ka dib markii ay ka kacday magaalada Ahmedabad ee galbeedka Hindiya.

Ramesh walaalkii, Nayan Kumar Ramesh, ayaa sheegay in uusan wax fikrad ah ka haysan walaalkii sida uu u badbaaday.

Air India ayaa sheegtay in diyaaradda Gatwick ay saarnaayeen 169 muwaadin oo Hindi ah, 53 Ingiriis ah, toddobo Boortaqiis ah iyo hal Canadian ah.

Ninkaan badbaaday ayaa dhaawac fudud qaba isagoo si caadi ah u socda ayuu ka soo dhex baxay burburka diyaarada waxaana la dhigey isbitaal.

Waxaa la sheegay in ninkan ka badbaaday shilka walaalkii inuu ka mid noqday dadkii ku dhintey shilka diyaaradda.

Warbaahinta Hindiya ayaa sheegtay in Mr Ramesh uu la wadaagay warqada diyaarada lagu raaco oo ay ku qoran magaciisa iyo lambarka kukrsiga uu ku fadhiyay.

Ramesh waxaa la sheegay inuu leeyahay xaas iyo carruur balse asalkiisu uu yahay Hindi sanado badan ku noolaa UK,

Guddoomiyaha magaalada Ahmedabad ayaa u sheegay saxaafadda in meydadka 204 qof la soo saaray, halka 41 qof oo ku sugnaa dhulka laga daweynayo dhaawacyo.

Diyaarada ayaa ku dhacday dhisme ay dhaqaatiirtu isticmaali jireen wax ka yar hal daqiiqo kadib markii ay kacday garoonka diyaaradaha.Ilaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeysay burburka diyaaradda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More