Axmed Madoobe “Madaxweyne Fadlan adiga is dhageyso intaas kugu filan,”
May 12(Jowhar)Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe oo warbaahinta maanta Kismaayo kula hadlay ayaa taabtay arrimo dhowr ah sida; amniga, khilaafka doorashada iyo shirkii u dnabeeyay ee Wadatashiga Qaran.
Axmed Madoobe oo madaxweyne Xasan Sheekh weerar culus oo Afka ah ku qaaday ayaa kula taliyay inuu is dhageysto, taasoo ka saacidi karta inuu hoos u dhigo ficiladiisa qaar.
“Madaxweyne Xasan Sheekh mar labaad ayaa talada ugu celinayaa, Fadlan adiga is dhageyso intaas kugu filan, inta maanta warkaaga la celcelinayo adigu is dhageyso” ayuu yiri Axmed Madoobe.
Waxa uu dhinaca kale sheegay inuu maamulkiisa diyaar u yahay inuu qabto shir looga tashanayo aayaha dowladnimada dalka.
“Shir Soomaaliyeed aan isugu nimaano, Jubbaland haddii la yiraahdana gogol diyaar bey naga tahay, waan dhigeynaa haddii loo baahdo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Warka Axmed Madoobe ayaa kusoo beegmaya xili dowladda ay qoraheyneyso iney gobolka Gedo ku qabato doorasho ka dhan ah Jubaland, kaasoo madaxweyne cusub looga soo saarayo oo si lamid ah Khaatumo u fariisto shirka Wadatashiga Qaran.