Israel oo ku hanjabtay inay qaarijinayso Ayatullah Khomeini

Wasiirka difaaca Israel ayaa sheegay in hogaamiyaha ugu sareeya Iran aan loo ogolaan karin inuu sii noolaado oo ay qaarijinayaan kadib markii Iran ay duqeysay isbitaalka Soroka lagu dhuftay intii uu socday weerarka gantaalaha ee Iran.

Warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in gantaalka lagu weeraray goob ciidan oo ku dhow cisbitaalka ku yaalla koonfurta Israel, balse aysan ahayn xarunta lafteeda.

Israel ayaa sheegtay in 271 qof ay ku dhaawacmeen guud ahaan dalkaasi ka dib markii Iran ay xalay gantaallo ku weerartay goobo badan oo ku yaal Israel.

Waxa ay sheegtay in weerarada Iran ay yihiin kuwo “sax ah” oo kaliya ay bartilmaameedsanayaan “xarumaha si toos ah ugu lug leh oo taageeraya” weerarrada Israel ee Iran.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araghchi, ayaa sheegay in mawjadda qaraxa ee Iran ay la beegsatay saldhigga taliska millatariga Israel uu sababay burbur soo gaaray isbitaalka.

Araghchi ayaa sidoo kale sheegay in xarunta lagu sheegay isbitaal dad rayid ah lagu daweynayay ay ahayd meel inta badan loo adeegsanayy in lagu daweeyo askarta Israa’iil ee ku soo dhaawacanta dagaalka Gaza.

“Ciidankeena hubaysan ayaa sii wadi doona inay garaacaan dambiilayaasha bartilmaameedsada dadkeena ilaa ay joojiyaan oo ay bixiyaan gardarrada ay ku hayaan qarankeena,” ayuu yidhi Araghchi, isaga oo ku boorriyay rayidka Israel inay ka fogaadaan goobaha militariga.

Weerar ay ku qaadayIsrael jimcihii aynu ka soo gudubnay dalka Iiraan ayaa sababay inay la kulanto jawaab gantaalo ah oo maalin Iyo habeen lagu weerarayo magaalooyinka Israel.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More