Koox ka tirsan Al-Shabaab oo caawa ku dilay degmada Hodan nabad doon Mahad Kudul.
Dec 15 (Jowhar)-Caawa fiidkii, malayshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa degmada Hodan ee gobolka Banaadir ku dilay Nabad-doon Mahad Kudul, oo ka mid ahaa odayaasha dhaqanka si weyn looga yaqaanay degmadaas.
Sida uu u sheegay warbaahinta Jowhar.com mid ka mid ah goobjoogayaashii goobta ku sugnaa oo magaciisa qariyay sababo la xiriira amnigiisa dilka Nabad-doonka ayaa dhacay xilli uu casho ku cunayay maqaayad caan ah oo lagu magacaabo Eeysh Restaurant oo ku taalla isla degmada Hodan.
Kooxda weerarka fulisay ayaa ka koobnayd laba nin oo ku hubaysnaa bistoolado. Waxay si degdeg ah u fuliyeen dilka kadibna si nabad ah uga baxsadeen goobta, ciidanka amaanka oo goobta soo gaaray dilka ka dib uma suurta galin in ay gacanta ku soo dhigaan kooxdii dilka gaysatay.
Mahad Dheere, oo ka mid ah dadkii deegaanka u dhashay ee si dhow u yaqaanay Nabad-doonka, ayaa yiri “Waxaan ka argagaxnay dilka Mahad Kudul. Wuxuu ahaa nin sumcad iyo saameyn ku lahaa bulshada, waana mid aan wali la qaadan karin.”
Weli lama caddeyn in Mahad Kudul uu ka mid ahaa ergadii soo xushay xubnaha baarlamaanka Soomaaliya, balse kooxda Al-Shabaab ayaa caan ku ah beegsashada odayaasha dhaqanka, saraakiisha dowladda, iyo dadka xiriirka la leh dowladda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale waxay bartilmaameedsadaan shaqaalaha safaaradaha iyo kuwa ku jira howlgalka Midowga Afrika (AMISOM).
Dilkan naxdinta leh wuxuu markale muujinayaa halista ay wajahayaan odayaasha dhaqanka iyo hoggaamiyeyaasha bulshada ee ka shaqeeya nabadda iyo xasilloonida.
Waxa uu sidoo kale iftiiminayaa baahida loo qabo in si dhab ah loo sugo ammaanka dadka rayidka ah ee la shaqeeya dowladda iyo bulshada dhexdeeda sumcadda ku leh.
Sanadkaan 2021 oo kaliya kooxda ayaa qaaday weeraro xooggan oo ka dhan Nabad doonada, Shaqaalaha dowladda iyo weerarka xeryaha milatariga Soomaaliya, dadka dhaliilsan dowladda Soomaaliya ayaa dilal soo batay la xiriiriyay in dowladu ku mashquulsantahay muranka doorashooyinka badalkii amniga caasimada la sugi lahaa.