Museveni oo isagoo 80 jir ah u tartamaya doorashada madaxtimo ee 2026
Jun 30 (Jowhar)-Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu mar kale u tartamayo doorashada madaxtinimo ee dalkaas oo dhaceysa bilowga sanadka soo socda, haddii uu ku guuleysto waxey ka dhigan tahay muddo ku dhow nus qarni oo uu xukunka dalkaasi hayay.
Museveni oo 80 sano jir ah, ayaa qoraal uu habeenkii Sabtida dhigay baraha bulshada (X/Twitter) ku shaaciyay arrintan.
Museveni wuxuu xukunka dalka Uganda la wareegay sanadkii 1986, kadib dagaal jabhadeed oo socday muddo shan sano ah.
Xisbigiisa talada haya ee National Resistance Movement (NRM) ayaa laba jeer wax ka beddelay dastuurka wadankaaei si Museveni uu xukunka s sii dheereysto.
Hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeyay Museveni in uu adeegsado ciidamada amniga iyo nidaamyo musuqmaasuq ah si uu xukunka u sii heysto, wlow Museveni uu beeniyay eedeymahaas.
Mar uu sharraxayay sababaha uu xil doonka usii yahay, xili da’dii ay ka daba timid, Museveni wuxuu sheegay inuu doonayo in dib loo doorto si uu dalka Uganda dhawaalihiisa u gaarsiiyo ilaa $500 bilyanshanta sano ee soo socota, iyadoo dhaqaalaha hadda uu taagan yahay qiyaastii $66 bilyan, sida laga soo xigtay wasaaradda maaliyadda ee dalkaasi.
Doorashada madaxtinimada Uganda waxaa la qaban doonaa bisha Koowaad ee sanadka 2026, waxaana sidoo kale la dooran doonaa xildhibaanada baarlamaanka.
Musharraxa ugu weyn ee la filayo inuu tartanka la galo Museveni waa Bobi Wine, fannaan caan ahaa mar danbena isu rog siyaasiga ah, kaasoo oo ku guuleystay kaalinta labaad doorashadii u dambeysay ee 2021. Bobi Wine – oo magaciisa rasmiga ah yahay Robert Kyagulanyi hore ayuu usii xaqiijiyay inuu mar kale u tartamayo xilka madaxweynenimo sanadka 2026.
Ninkan dhalinyarada ah ee Bobi Wine wuxuu hore u sheegay in doorashadii dhibcaha yar looga adkaaday ee 2021 looga guuleystay mususq maasuq baahdan iyo xadgudubyo kale oo ay ka mid ahaayee ; ku shibasho sanaadiiqda cod bixinta ah, Cabsigelin iyo handadaad ay geysanayeen ciidamada amniga Iyo khaladaad kale oo sharci-darro ah.
Museveni, oo hadda 100- sano kudhow, wuxuu xilka hayay mudo 49 sano ah laga soo bilaabo sanadkii 1986. Waxa uu hadda kaalinta 4-aad uga jiraa liiska madaxda ugu xukunka dheer Afrika kaliya waxaa ka horeeya:
1. Teodoro Obiang oo Equatorial Guinea xukumayay (46 sano),
2. Paul Biya oo Cameroon xukumayay (43 sano),
3. iyo Denis Sassou-Nguesso oo Jamhuuriyadda Congo xukumayay (41 sano).
Intii uu talada hayay, xisbiga NRM wuxuu laba jeer wax ka beddelay dastuurkii 1995 si Museveni u sii xukumo wadanka waxeyna kala yihiin;
2005: Waxaa la qaaday xaddidaadda muddada xilka madaxweynaha.
2017: Baarlamaanka Uganda wuxuu meel mariyay in la tirtiro xaddidaadda da’da musharaxa madaxweynenimo.