Madaxweyne kuxigeenka Jubaland Lugadheere oo ku geeriyooday magaalada Nairobi
Jun 28 (Jowhar) -Allaha unaxariistee Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ku geeriyooday Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud (Luga Dheere), oo muddo dheer ka mid ahaa hoggaanka sare ee Jubaland, isaga oo hayay xilka Madaxweyne ku-xigeenka 2-aad.
Marxuumka ayaa xanuun hayay awgeed u tegay dalka Kenya si uu caafimaad ugu raadsado, hase yeeshee ugu dambeyn waxa uu ku geeriyooday halkaas.
Geeridiisa kahor, xubno kamid ah qoyskiisa waxa warbaahinta gudaha u xaqiijiyeen in mid kamid ah labadiisa Lugood looga jaray isbitaalka, kadib caabuw ku dhashay.
Cabdiqaadir Luga Dheere waxa uu door muhiim ah ka soo qaatay siyaasadda Jubaland, isagoo muddo ka badan toban sano hayay xilka Madaxweyne ku-xigeenka, waxna ka dhisay maamulka Jubaland.