16 askari oo lagu dilay qarax ka dhacay dalka Pakistan
Jun 28 (Jowhar) Ugu yaraan 16 askari oo Pakistani ah ayaa lagu dilay weerar ismiidaamin ah oo ay sheegteen kooxda Taliban-ka Pakistan, sida ay warbaahinta AFP u sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda hoose iyo saraakiil booliis.
Weerarka ka dhacay woqooyiga-galbeed ee Pakistan ayaa sidoo kale sababay dhaawaca 29 qof, oo ay ku jiraan 10 askari iyo 19 qof oo rayid ah.
Sarkaal ka tirsan maamulka gobolka Waqooyiga Waziristan, oo ka tirsan gobolka Khyber Pakhtunkhwa, ayaa yiri:
“Nin ismiidaamiye ah ayaa gaari walxaha qarxa laga buuxiyay ku dhuftay kolonyo milatari.”
Sarkaal booliis ah ayaa u sheegay AFP in qaraxa uu sidoo kale dumiyay saqafka laba guri, taasoo keentay dhaawaca lix carruur ah.
Weerarkan waxaa sheegtay garabka ismiidaaminta ee ururka hubeysan ee Hafiz Gul Bahadur, oo xiriir la leh Taliban-ka Pakistan, sida ay AFP sheegtay.
Tan iyo markii Taliban ay dib ula wareegtay awoodda Kabul sanadkii 2021, waxaa si weyn u kordhay falalka rabshadaha ah ee ka dhacaya deegaannada Pakistan ee xuduudka la leh Afghanistan.