Puntland oo qabatay Haween iyo Caruur qoysaska Daacish ah oo baxsanayay

Apr 22 (Jowhar)-Ciidanka Puntland ayaa Badda kasoo qabtay Caruur iyo Haween, oo u dhashay Siiriya iyo Yemen oo ka baxdanayay deegaanada Puntland.

Haweenka iyo Caruurtan ayaa la aaminsan yahay in ay yihiin qoysaska Argagixisada lagula dagaalamayo Buuraleyda Calmiskaat, kuwaas baaris lagu wado.

Maalmihii u dambeeyey xogaha soo baxayay ayaa sheegayay in kooxda Daacish ay isku dayayeen in ay Maxastooda ula baxsadaan dhinaca Yemen, iyadoo ciidamadda PL, feejignaan kujireen, Warar ayaa sheegaya in dumarka Soomaali u badan yihiin, iyadoo baaris lagu hayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More