Shiinaha oo bogaadiyay goaanki dowladda Somaliya dalkeeda ugu joojisay dadka ku safra baasaboorka taiwan

Apr 30(Jowhar)Afhayeenka Shiinaha ayaa bogaadiyay tallaabada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku mamnuucday inay dalkeeda soo galaan dadka sita baasaboorka Jasiirada Taiwan; wuxuu intaas raaciyay inay si buuxda u taageerayaan Qaranimada Somaliya.

Dhinaca kale Wasaaradda arrimaha dibadda Taiwan ayaa sheegtay in hay’adda duulista hawada Soomaaliya ay todobaadkii hore soo saartay ogaysiis ku saabsan in laga bilaabo Arbacada aan la aqbali doonin in baasaboorka Taiwan lagu galo Soomaaliya.

Taiwan ayaa ku eedeysay dowladda Shiinaha inay go’aankaasi ku cadaadisay dowladda Soomaaliya, Markii Taiwan oo iyaduna gooni u goosed ah ay sare u qaadayso xiriirka ay la leedahay Somaliland. Dowladda Somalia ayaan si rasmi ah uga hadlin arrintan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More