Qaranimada Ma Ganacsi Baa?
Jawaab ku Socota Siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh ee Badda Cas iyo Yemen
Waxaa laga yaabaa in qoraalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee lagu daabacay Asharq Al-Awsat uu dadka qaar u ekaado hadal siyaasadeed oo xambaarsan mas’uuliyad iyo himilo qaran. Balse marka laga soo tago sida loogu sawiray dadka dibadda, waxaa meesha ka maqan xaqiiqda dhabta ah ee gudaha Soomaaliya ka jirta. Qoraalkan wuxuu sheegayaa in Soomaaliya ay hormuud u noqon doonto nabadda Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Laakiin su’aasha la is weydiinayo waxay tahay: Soomaaliya ma waxay difaacaysaa danaha dalkeeda mise waxaa loo adeegsanayaa danaha quwadaha shisheeye?
Soomaaliya Golaha Ammaanka ayay Xubin ka Tahay – Maxayse Ka Qabatay EUNAVFOR?
Soomaaliya waa xubin buuxda ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Taasi waxay la micno tahay in ay fursad u haysato in ay codkeeda u isticmaasho difaaca madaxbannaanideeda, gaar ahaan marka laga hadlayo howlaha militari ee ka socda baddaha Soomaaliya. Laakiin maxaa dhacay? EUNAVFOR (Ciidamada Badda ee Midowga Yurub) ayaa si qarsoodi ah loogu soo daray qaraar Golaha Ammaanka ah iyadoo aan la tixgelin danaha iyo madaxbanaanida Soomaaliya. Golaha wasiirada iyo Golaha Shacabka lama keenin. Wakiillada dowlad-goboleedyadu lagama tixgelin. Madaxweynaha ayaa dantiisa ka dhex arkay inuu qanciyo Midowga Yurub kuna dhaafsaday sharaf dhaca dalkiisa.
Maxaa qarsoon? Soomaaliya waxay kursigeeda Golaha Ammaanka ka qayb qaadatay arrin si toos ah u dhaawacaysa madax-bannaanideeda iyo sharafteeda. Taasi waa mas’uuliyad la’aan siyaasadeed iyo khiyaamo qaran. Waana arin sharciga lagu horkeeni kara shaqsiyaadka ku dhiiraday inay howshaas ka qayb qaataan.
Heshiisyada Shidaalka iyo Aamusnaanta Siyaasiyiinta Soomaaliyeed
Isla waqtigaas, heshiiskii shidaalka ee lala galay Turkiga wuxuu si cad u jebinayaa Xeerka Shidaalka ee 2020 iyo Dastuurka dalka ee KMG ah. Waxaa lagu siiyay shirkad dawladda Turkiga leedahay xuquuq gaar ah iyadoo aan la marin tartan furan, lana hareer maray hay’adda kormeerka ee Somali Petroleum Authority, sidaasna lagu baabi’iyay door sharciyeedkii Baarlamaanka. Sidaas ayadoo ah, qaar badan oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee had iyo jeer ka hadla musuqmaasuqa, qabiilka iyo shaqaaleysiinta ehelka, waxay u muuqdaan kuwo si ula kac ah uga aamusan arrimaha noocan ah.
Su’aashu waa: ma fasaadka ayaa dhibkiinu yahay mise inaad qaybintii ka maqantihiin?
Yemen: wada-noolaan Taariikhi Ah, Maxaa keenay inaan Dagaal La Galno?
Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu muujiyay mas’uuliyad daro asagoo rabitaankiisa shaqsi sheegay oo ah inuu jecelyahay la shaqaynta isbahaysiga dawladaha ku howlan inay weeraro ka fuliyaan Badda Cas. Waxaa lagu loolamayaa “ammaan” iyo “xasilooni,” laakiin Yemen ayaa ah goobta ay dhab ahaan dhibaatadu ka socoto. Soomaaliya iyo Yemen waxaa ka dhaxeeya xiriir taariikhi ah oo soo jireen ah: mid diin, dhaqan, ganacsi iyo dad is dhexgalay qarniyo badan isla noolaa.
In madaxweyne Xasan Sheikh sheego inay qeyb ka noqoto isbahaysi militari oo cadow ku ah bulshada Yemen hadana si toos ah uga shaqeynaya burburka Yemen waxay gaf ku tahay dhamaan soomaalida sidoo kalena waa qaranjab taariikhi ah. Taageerada dhabta ee Soomaaliya ay siin karto Yemen waa inay noqotaa mid ku saleysan nabad iyo raadinta xal dhab ah oo diblomaasiyadeed—ma aha inay ku milanto dagaallo u adeegaya dano shisheeye.
Gunaanad: Difaac Qaran Ma Aha Hadal Keliya, Waa Ficil
Waa waqtigii la kala saari lahaa iska hadalka iyo waxqabadka ama ficilka. Ma jirto xukuumad si dhab ah u sheegan karta in ay difaaceyso madaxbannaanideeda halka ay heshiisyo qarsoodi ah oo dhaawac gaarsiinaya midnimada dalka hadana la saxiixanaysa dowlado shisheeye, una ogolaanayso faragelin militari oo sharciga garab marsan.
Soomaaliya maanta waxay taagan tahay meel khatar ah—haddii aamusnaanta, oggolaanshaha sharciga ka baxsan, iyo u adeegidda dano shisheeye ay sii socdaan, waxa taagan halis ah in la kala go’o oo qaranimada la lumin doono.
Qaranimada la sheeganayo waa in lagu caddeeyaa waxqabad iyo ficil. Haddii laga aamuso marka la burburinayo dastuurka iyo sharciga, looma baahna in la hadlo marka la cayrsanayo mansab, maal, iyo magac. Dawladda Federaalka waxay u baahantahay inay u adeegto dalkeeda iyo dadkeeda, halka maanta loo adeegsanayo dano shisheeye.
Qore: Cabdisaciid Muuse Cali- Koor