Lafta-gareen oo booqday saldhigyada ciidamadda ee duleedka magaalada Baydhabo
May 04(Jowhar) Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa booqday furimaha hore ee dagaalka si uu ugu dhiirrigeliyo ciidamada qalabka sida ee halkaas ugu sugan halganka Dagaal ee Dalka lagaga Xureynayo Shabaab.
Madaxweynaha ayaa kulan gaar ah la yeeshay saraakiisha hoggaanka ciidamada, isagoo warbixin ka dhageystay xaaladda amni, guulaha laga gaaray dagaalka, iyo caqabadaha jira, isagoo uga mahadceliyay Ciidamada geesinimada iyo naf-hurnimada ay u muujiyeen difaaca dalka.
Booqashada Madaxweyne Laftagareen ee Furimaha Dagaalka ayaa ah mid niyad-dhis ah oo muujineysa sida ay Koonfur Galbeed uga go’an tahay Difaaca Dalka iyo Daryeelka Ciidamada Naftooda uhurey Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.