Madaxweyne Xasan oo Ciraaq u tagay ka qeyb galka Shirka Jaamacadda Carabta

May 16 (Jowhar) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa halkaas uga qaybgali doono meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta.

Shirka ayaa lagu gorfayn doonaa arrimo la xiriira dadaallada lagu doonayo in xal waara loogu helo xasaradaha amni iyo siyaasadeed ee ka aloosan qaybo badan oo ka tirsan mandiqadda.

Madaxwaynuhu Jamhuuriyaddu ayaa dhankiisa shirka kusoo bandhigi doono halganka ka dhanka ah Khawaarijta ee ay Dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed ku jiraan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More