Cabdiweli Gaas oo loo magacaabay Ergeyga Midowga Afrika ee dalka Koofurta Sudan

Jun 30 (Jowhar)-Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa=loo magacaabay ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Suudaanta Koofureed iyo madaxa xafiiska xiriirka Midowga Afrika ee Jubba.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa  si rasmi ah loogu magacaabay Cabdiweli Gaas.

Ergeyga cusub ee Midowga Afrika dalka Koofurta Sudaan Cabdiweli Gaas ayaa u mahadceliyay madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf uga mahadceliyay taageerada iyo sida ay uga gacan siiyeen helidda xilkan.

Waxa ay magacaabiddiisa   ku soo beegantay xilli   dalka Suudaanta Koofureed muddooyinkii u dambeeyay uu khilaaf siyaasadeed ka dhex taagnaa dhinacyada kala duwan ee siyaasada dalkaas isaga soo horjeeda.

Suudaanta Koofureed ayaa noqotay waddan madax-bannaan 9-kii July, 2011, ka dib afti dadweyne oo ku dhawaad ​​99% codbixiyayaashu ay doorteen madax-bannaani.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More