Madaxweynaha Somaliland oo Doxa kula kulmay ra’iisul wasaaraha Qatar
Jun 30 (Jowhar)Waxaa maanta magaalada Doha ku kulmay Sheekh Maxamed bin Cabdiraxmaan bin Jassim Aal Thani, oo ah Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar, iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi “Ciro”, oo ah Madaxweynaha maamulka Somaliland, oo booqasho ku jooga dalka Qatar.
Intii uu kulanka socday, waxaa la is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaalaeihui ugu dambeeyay ee Soomaaliya, muhiimadda taageeridda dadaallada lagu bixinayo in looga shaqeeyo amni iyo xasilloonilagu soo dabaalo, iyo sidoo kale sida loo xoojin karo is-dhexgalka iyo kalsoonida dhinacyada kala duwan ee Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha Qatar wuxuu kulanka ku adkeeyay in Dowladda Qatar ay aaminsan tahay in mustaqbalka Soomaaliya lagu dhisi karo wada-hadal furan iyo is-dhexgal wax-ku-ool ah oo dhex mara dhammaan qaybaha bulshada Soomaaliyeed, taasoo damaanad qaadaysa ixtiraamka madax-bannaanida Federaalka Soomaaliya iyo midnimadeeda qaran.