Agaasimaha NISA Sanbaloolshe oo gaaray degmada Moqokori
May 19(Jowhar)Agaasimaha Hey’adda NISA C/llaahi Sanbaloolshe ayaa goordhow gaaray degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan.
Taliye Sanbaloolshe ayaa halkaasi u tagay si uu u dhiirageliyo Macwiisleyda xaq u dirirka iyo Ciidanka XDS ee dagaalka kula jira Argagixisada.
Agaasimaha NISA waxaa socdaalkan ku wehliyay Xildhibaan Raaxeeye iyo Mas’uuliyiin kale.
Labadii maalmood ee la soo dhaafay dagaalo lagu jebiyay Argagixisada ayaa ka dhacay duleedka Mabaax iyo aagga u dhow degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.