Soomaaliya iyo Ciraaq oo kala saxiixdag heshiis Amni
May 18 (Jowhar) Wasiirka Amniga Gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Ciraaq, Cabdul-Amir Al-Shamari, ayaa heshiis iskaashi oo dhanka amniga ah ku kala saxiixday magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq.
Heshiiska ayaa ujeedadiisu tahay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee ee dhinacyada amniga iyo xasiloonida, iyadoo sidoo kale kor loo qaadayo tayada iyo waxtarka hay’adaha amniga qaranka, sida ay shaacisay warbaahinta dowladda Soomaaliya.
Wasiir Fartaag ayaa qeyb ka ah wafdiga dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Ciraaq u jooga ka qeyb galka shir madaxeedka Jaamacadda Carabta.