Dowladda oo war kooban kasoo saartay Qarax saaka ka dhacay Muqdisho
May 18 (Jowhar)-Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa war kooban ka soo saartay qarax ka dhacay saaka afaafka hore ee xerada ciidamada Damaanyo ee magaalada Muqdisho.
Qoraalka dowlada ayay ku sheegtay in qaraxa uu fuliyey qof waxyaalaha qarxa isku soo xirey.
“Saaka abaare 09:20am waxaa afaafka hore ee xerada Ciidanka ee Damaayo ka dhacay qarax uu fuliyay qof nafti halige ah, Ciidanka waxa ay ka hortageen in dhagar qabuhu gaaro yoolkiisa ahaa in uu khasaaro xooggan gaarsiiyo shacabka.”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay dowlada.
Qoraalka ayaa loogu baaqay shacabka Soomaaliyeed in warbixin rasmi ay ka sugaan dowlada oo haatan baaritaano sameyneyso.
“Hay’adaha Amniga waxa ay ka howlan yihiin xaqiijinta Khasaaraha, waxaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaynaa in ay warbixinta rasmiga ah ka sugaan Hay’adaha Dowladda ee gacanta ku haya.”
Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay dowlada federalka Soomaaliya;