Maxkamada gobolka Bay oo xukun dil ah fulisay

May 18 (Jowhar) -Maxkamadda gobolka Baay ayaa maanta fulisay xukun dil toogasho ah oo lagu riday Axmed Cabdullaahi Maxamuud, kaasi oo shalay magaalada Baydhabo ku dilay Abshir Xasan Cabdiraxmaan, oo ahaa wiil dhalinyaro ah.

Dilka marxuum Abshir ayaa ka dhacay xafiis uu ka shaqeynayay oo ku yaalla gudaha magaalada Baydhabo.

Xukunka qisaasta ah ayaa laga fuliyay duleedka magaalada Baydhabo, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, saraakiil ciidan, maamulka degmada Baydhabo iyo dadweyne tiro badan oo ay ka mid ahaayeen ehellada marxuumka la dilay.

Magaalada Baydhabo ayaa xukunada dilka ah waxaa si degdeg ah loogu fuliyaa qofkii ku cadaato inuu geystey fal dil ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More