Wafdi heer sare ah oo ka socday FIFA iyo CAF oo soo gaaray Muqdisho

May 26 (Jowhar) Garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa goordhow kasoo dagtay diyaarad siday Halyeeyada Ciyaaraha Qaarada Afrika ee kala ah; Samuel Eto’o, Emmanuel Adebayor iyo Jay-Jay Okocha.

Ciyaartoydan hore oo haatan ka socday xiriirada kubadda cagta Aduunka, Afrika ee FIFA iyo CAF ayaa Magaaladan u yomid kadib casuumaad ay ka heleen xiriirka Kubbada Cagta Soomaaliyeed.

Waxa ay qiimeyn ku sameyn doonaan in garoonka Stadium Muqdisho uu qaabili karo ciyaaraha caalamiga ah oo ciyaartoyda Soomaalida marka gurigeeda ciyaar ku leeyihiin ay halkan ku ciyaari karaan, halka haatan dalalka deriska ah ay ku ciyaaraan.

Ciyaartoydan  ayaa inta ay caasimadda ku sugan yihiin la kulmi doonna madaxda sare ee dowladda, waxaana kulan saaxiibtinimo ku cayaari doono garoonka Muqdisho Stadium xidagaha xulka qaranka Soomaaliya iyo xigaha ajaaniibta ah ee ka cayaara horyaalka Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More