Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wadahadlay horumarinta Shaqaalaha
Jun 04(Jowhar) Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Mudane Yuusuf Maxamed Aadan oo wafdi uu hoggaaminayo ay ku sugan yihiin dalka Switzerland ayaa magaalada Geneva kulan gaar ah kula qaatay dhiggiisa dalka Turkiga Prof. Dr Vedat Işıkhan.
Kulankan oo Wasiirka ay ku wehlisay Safiirka Soomaaliya u fadhisa Geneva Amb Khadra Ducaale ayaa waxay ka wada hadleen sidii loo adkeyn lahaa wada shaqeynta labada wasaaradood ee Soomaaliya iyo Turkiga ayadoo la dhaqan gelinayo heshiiskii ay horey labada wasaaradood u kala saxiixdeen sanadkii 2016 kaasi oo aanan weli dhaqan gelin.
Wasiirka Shaqada Dalka Turkiga Prof. Dr Vedat Işıkhan oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin dhaqan gelinta heshiiskii labada wasaaradood ay kala saxiixdeen 2016 kaasi oo wax badan ka tari doona horumarinta shaqooyinka iyo kor u qaadista tayada iyo qibradda shaqaallaha Soomaaliyeed, ayadoo dhankooda ay soo magacaabayaan guddi farsamo oo shaqooyinka loo baahan yahay dardar geliya.
Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Mudane Yuusuf Maxamed Aadan oo kulanka ka hadlay dhankiisa ayaa dowladda Turkiga uga mahad celiyey taageerrada joogtada ah ee ay Soomaaliya la garab taagan yihiin waxaana uu Wasiirku ka sheekeeyey xaaladda shaqo la’aaneed ee dalka ka jirta iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in dhalinyarada Soomaaliyeed loo abuuro fursado shaqo taasi oo ah baahi deg deg ah, waxaana uu ballan qaaday in dhanka Soomaaliya ay diyaar la yihiin tallaabooyinka looga baahan yahay.
Kulankan ayaa qeyb ka ah shirar gaar gaar ah oo Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Mudane Yuusuf Maxamed Aadan magaalada Geneva ee dalka Switzerland kula qaadanayo madaxda dalalka iyo hay’adaha kala duwan ee Geneva u jooga ka qeybgalka shirka 113aad ee Ururka Shaqaallaha Aduunka ayadoo Wasiirka uu berrito khudbad ka jeedin doono shirkan.