Dagaal markale maanta ka dhacay Deegaanka Ceel Hareeri

Jun 04(Jowhar)Dagaal xoog leh ayaa ka dhacay deegaanka Ceel Hareeri ee gobolka Hiiraan iyadoo dagaalkana uu u dhexeeyay ciidamada deegaanka iyo dagaalamayaal ka tirsan ururka al-shabaab.

Dagaalka ayaa la sheegay inay marka hore bilaabeen dagaalamayaal ka tirsan al-shabaab oo dhawaanahan ku sugnaa deeganadaasi iyagoo adeegsaday gawaari qaraxyo siday.

Kooxda Alshabaab ayaa weerar ay u adeegsatay gawaarida waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay ku qaaday deegaanka Ceel Hareeri balse waxaa ay ciidamada deegaanka ee loo yaqaan Macawisleyda ku guuleysteen inay ka hortagaan oo ay qarxiyaan mid ka mid ah gaadiidka Alshabaab.

Guddoomiyaha degmada Moqokori Maxamed Cabdi Macow, ayaa warbaahinta u sheegay inay dib u celiyeen dagaalamayaashii Alshabaab ee weerarka soo qaaday.

Deegaanka Ceel Hareeri, ayaa ku yaal inta u dhexeysa degmada Aadan Yabaal gobolka Shabelaha Dhexe iyo degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More