Madaxweyne Xasan oo xalay ka qeyb galay 65 sano guurada kasoo wareegatay xoriyadda
Jul 01 (Jowhar) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay calan-saaray Madaxtooyada Qaranka, xuska 65-guurada ka soo wareegtay maalintii ay Soomaaliya xorriyadda iyo midnimada heshay awgeed.
Munaasabadda calan-saarka ayaa ku qabsoomtay Madaxtooyada, iyadoo Madaxweynaha uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil Ciidan iyo madax kale ayaa goobjoog ka eheyd minaasbaada , iyadoo madaxweynuhu aaney wax khudbad ah ka jeedin madasha, taasoo eheyd mid aan looga baran.
Xuskan taariikhiga ah ayaa ah mid milgo iyo xusuus gaar ah u leh ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna muujinayaa halgankii geesinimada lahaa ee ay shacabka Soomaaliyeed u soo galeen xornimada iyo midnimada dalka.