Sarkaal ciidan oo ku geeriyooday qarax loogu xiray sariirtiisa Jiifka ee degmada Afgooye

Jul 11 (Jowhar)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xooggan oo saaka ka dhacay xero gudaha ciidan oo ku taala degmada Afgooye ee gobolka Sh.hoose.

Sida wararka tilmaamayaan, qaraxa oo Miino ahaa ayaa ka dhacay goob ay ciidan iyo saraakiil ku sugnaayeen, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Saraakiil ayaa warbaahinta gudaha u xaqiijiyay in dadka qaraxa ku dhintay uu kamid yahay Dhame Maxamuud Saleebaan Salaad oo ahaa Abaanduulaha Ururka 64aad, wuxuuna ku sugnaa gudaha xerada guutadda 7aad ee degmadda Afgooye oo sariirtiisa qaraxa loogu xiray.

Laba kamid ah ilaaladiisa ayaa la geeriyootay sarkaalkan.

Lama oga sida qaraxa halkaasi loo galiyay, waxaana socda baaritaano ay wadaan laamaha amaanka ee dowladda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More