Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay laami iyo buundo laga dhisayo wadada 26-ka Juun
Jul 09 (Jowhar) Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay mashruuc isugu jira dib-u-dhiska laami iyo buunddo laga hirgelinayo waddada 26-ka Juun oo isku xirta Isgooyska Shaqaalaha illaa Masaajidka Sheekh Cali Suufi ee degmada Hodan.
Guddoomiye Muungaab ayaa sheegay in waddadan halbowlaha ah oo muddo dheer burbursanayd lagu dhisayo lacagta canshuurta ah ee ay bixiyeen shacabka Soomaaliyeed taas oo uu maamulka gobalku ku dadaalay in si daahfuran loo maamulo oo looga faa’ideysto adeegyada danta guud.
Tan iyo markii uu Guddoomiye Muungaab la wareegay hoggaanka Maamulka Gobalka Banaadir iyo dowladda Hoose ee Muqdisho, waxaa shaqo weyn laga qabtay dib-u-habaynta maamulka iyo maaliyadda iyo xoojinta hufnaanta, arrintaas oo uu maamulku sheegay in ay suurtogelisay in la beeqaamiyo dakhligii soo xaroonayay lana joojiyo kharashaad badan oo ku bixi jiray siyaabo aanan sax ahayn.
Waxaana jidadka la dhagax dhigo ay hadda noqdeen kuwo durba laga howlgeliyo oo fulinteeda ay bilaabato subaxa la dhagax dhigo wixii ka dambeeyo, halka markii hore aheyd marki jid la dhagax dhigo in shaqadeeda la bilaabi jiray todobaad ama ku dhowaad muddo bil kaddib.