Qarax xooggan oo ka dhacay Kuliyada Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho

Jul 09 (Jowhar)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax Ismiidaamin ah uu goordhow ka dhacay Kuliyada Jaale Siyaad ee ku taala degmada Hodan.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday ciidan tababar la siinayay, lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in qaraxa kadib la maqlay rasaas xooggan oo ay ridayeen ciidamadda amniga.

Laamaha amaanka wali wax faah faahin ah meysan ka bixinin weerarka, waxaana socda howlgalo ay wadaan ciidamadda amaanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More