Agaasimaha NISA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo tagay furimaha hore ee degmada Aadan-yabaal

May 26 (Jowhar) Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa maanta booqday Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan furimaha dagaalka ee aagga degmada Aadan-yabaal.

Booqashadan waxaa Sanbaloolshe ku wehlinayay Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS Gen. Sahal Cabdullaahi Cumar iyo xidhibaanno heer federaal ah oo gobolka Hiiraan kasoo jeeda.

Agaasimaha iyo madaxda kala duwan ee la socotay ayaa ciidanadda ku bogaadiyay sida ay har iyo habeen Shabaab uga baacsanayaan furimaha dagaalka Hirshabeelle.

Waxa uu kula dardaarmay iney laba jibaaraan feejignaantooda oo ay heegan u ahaadaan duulaanka gaadnada ah ee kooxda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More