Dowladda Soomaaliya oo bilowday beegsi ka dhan ah Wariyahaasha tabiya wararka mucaaradka
May 24(Jowhar)Ciidamadda dowladda Soomaaliya ayaa maanta xiray kudhowaad 15 Suxufi oo rag iyo dumar isugu jriay, xili ay ku jiree. Howl maalmeedkooda caadiga ah.
Wariyayaasha ayaa laga kaxeystay laamiga dheer ee Maka-Almukarama, iyagoo muuqaalo ka duubayay dad aragtiyo ka dhiibanayay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo abaabulka ay wadaan mucaaradka.
Ciidanka suxufiyiintan xiray oo ahaa dhar cad Bistoolado watay oo NISA ka tirsan ayaa lagu xiray meel aan saldhig eheyd oo ciidankan ay adeegaadaan, iyagoo Kaamirooyinkoodii ka masaxay dhamaan muuqaaladii ay duubteen.
Qaar kamid ah wariyahaasha la xiray ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in ciidamadda oo aan wadan dareeskii askarta ay ugu goodiyeen iney dhibaateyn doonaa , hadii ay maalin kale goobtan kusoo laabtaan ama ay ka hadlaan wixii loo geystay maanta.
Saacad kabadan oo ay xirnaayeen ugu dambeyn waa lasii daayay kadib markii cirka ay gashay falkan oo ay warbaahinta si weyn uga hadashay.
Madaxweynihii 7-aad ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa galabta shir jaraa’id kaga hadlay caburinta warbaahinta, wuxuuna madaxweyne Xasan ka dalbaday inuu ilaaliyo xoriyada hadalka oo uu joojiyp beegsi suxufiyiinta.