Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Hiiraan iyo dagaal socdo

Jul 07 (Jowhar)Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax Iamiidaamin ah uu ka dhacay deegaanka Gumureey oo hoostaga degmada Moqokori.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu fuliyay ruux watay gaari, kaasoo jugtiisa si weyn looga maqlay Moqokori iyo nawaaxigeeda.

Si dhab ah looma ogo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa, kaasoo lagu beegsaday maqaayad ay ku sugnaayeen dad shacab ah iyo askar.

Gumureey waxa ay 10 KM u jirtaa Moqokori, waxaana qaraxa kadib la maqlay rasaas xooggan oo la sheegay iney u dhexeysay ciidankii goobta ku sugnaa iyo dabley Shabaab ah.

Dagaalkaasi ayaa lagu soo warramayaa inuu wali socdo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More