Booliska Kenya oo sheegay in 11 qof ay ku dhinteen banaanbaxyadii Nairobi
Jul 08 (Jowhar) Ugu yaraan 11 qof ayaa lagu dilay dibadbaxyada dowladda looga soo horjeeday ee ka dhacay Kenya, waxaana la xiray 567 qof, sida ay booliisku sheegeen.
Booliiska ayaa rasaas ku furay dibadbaxayaasha, Dr Aron Sikuku oo ah dhakhtar ka howlgala Eagle Nursing Home oo ku yaalla duleedka magaalada Nairobi uu BBC-da u sheegay meydadka labo qof oo u dhintay dhaawac ka soo gaaray rasaasta la keenay xarunta.
Waxaa la sheegay in sidoo kale 52 askari oo booliis ah iyo 11 qof oo rayid ah la dhaawacay.l intii dibadbaxyada ay socdeen.
Afhayeenka booliska Kenya Muchiri Nyaga ayaa soo bandhiggay khasaaraha banaanbaxa Kenya isagoo yiri “11 qof ayaa geeriyootay, 63 waa dhaawac oo 52 askar tahay, 11-na shacab, 567 qofna xabsiga ayaa la dhigay”