Dowladda Soomaaliya oo beenisay iney ciidan geysay Sool iyo Sanaag
Jul 08 (Jowhar)Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa beeniyay in dowladda Soomaaliya au ciidan geysay gobolada Sool iyo Sanaag oo maalmahan ay ka taagan tahay xiisad u dhexeysa Puntland iyo SSC Khaatumo.
Wasiir Fiqi oo qoraal ku daabacay bartiisa Facebook ayaa sidoo kale meesha ka saaray iney damacsan yihiin qorahe ciidan lagu geynayo goboladaaei.
“Waxaan caddaynaynaa in Dawlad Federaalka ah aysan ciidan geyn Gobolka Sanaag iyo Sool, sabab loo geeyana aysan muuqan.” Ayuu yiri wasiirka.
Waxa uu sidoo kale digniin u diray shaqsiyaadka faafinaya wararkaasi been abuurka ah oo uu qaarkood ku sifeeyay iney yihiin madaxda maamulka Puntland.
“Shakhsiyaadka dawladda Federaalka ku eedaynaya arrintaasna wax caddayn ah oo ay soo bandhigeen ma jirto oo aan ahayn eed caalwaa ah oo ay ka muuqato in taag iyo tabar ay ku hor istaagaan ay u waayeen rabitaanka dadka deegaanadaas” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.