Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay heshiis milatari oo lala soo galay Sucuudiga

May 15(Jowhar)Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddaabadlaha ahaa, ayaa ansixiyey heshiis is afgarad dhinaca Milatariga iyo amniga ah oo dhex maray Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Heshiiskan waxaa golaha ay usoo gudbisay Wasaaradda Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya.

Shirka Golaha oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan xaaladda guud  ee amniga, guulaha laga gaaray dagaalka Khawaarijta, warbixin ku saabsan arrimaha Xajka iyo sidoo kale guddiga taakuleynta dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta oo warbixin laga dhageystay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More