Diyaarad rakaab ah oo ay saarnaayeen 242 ruux oo ku burburtay dalka Hindiya

Jun 12 (Jowhar)-Diyaarad ay leedahay shirkadda Air India oo ku sii jeeday magaalada London ee dalka Ingiriiska ayna saarnaayeen 242 qof ayaa ku burburtay wax yar ka dib markii ay ka kacday magaalada Ahmedabad ee galbeedka Hindiya.

Diyaaradda waxaa saarnaa 169 muwaadin oo Hindi ah, 53 British ah, 7 dhalasho oo Boortaqiis ah iyo hal Canadian ah, sida ay sheegtay Air India.

Waxa ay diyaaradu ku dhacday xaafad ka mid ah magaalada Ahmedabad gaar ahaan guryo ay dhaqaatiirtu isticmaali jireen. Diyaarada ayaa nooceedu ahaa Boeing 787-8 Dreamliner.

Taliyaha booliska ee magaalada Ahmedabad ayaa sheegay in aysan jirin cid ka badbaaday shilka diyaaradeed ee ka dhacay galbeedka dalka Hindiya, sida ay sheegeen wakaaladaha wararka ee AFP iyo AP.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More