Inkabadan 30 Falastiiniyiin ah oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Isbitaal ku yaala Khan Younis

May 15 (Jowhar) Isbitaal ku yaalla koonfurta magaalada Qasa ayaa sheegay, in ugu yaraan lix iyo labaatan qof oo Falastiiniyiin ah lagu dilay duqaymaha cirka ah ee Israa’iil.

Goobaha la duqeeyay waxaa kamid ah guryo iyo teendhooyin ay ku hoydaan qoysaska soo barakacay ee Khan Younis.

Saxafiyiinta maxaliga ah ayaa ku soo warramaya in wadooyinka cisbitalka Naasir ay buux dhaafiyeen dhaawacyo badan, waxaana buuxsamay goobta meydadka lagu keydiyo.

Awaamiirta cusub ee barakicinta qasabka ah ee Israa’iil ayaa sidoo kale argagax ka dhaliyay Galbeedka magaalada Qasa.

Israa’iil ayaa sheegtay in isbitaal, iyo jaamacad iyo dugsiyo ay isu beddeleen goobo ay “gabbaad” ka dhigtaan kooxda Xamaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More