Wararkii u danbeeyay askari Ingiriis ah oo Kenya ku kufsaday haweeney British ah

Jun 12 (Jowhar) Askeri ka tirsan ciidamada UK oo lagu eedeeyey in uu haweeney ku kufsaday meel u dhow saldhig ciidamada ku leeyihiin dalka Kenya, ayaa la ogaadey in haweeneyda loo haysto ay tahay British.

War ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga UK ayaa lagu sheegay in askeriga la xiray, dibna dib loogu celiyey dalkiisa ka dib markii eeddu soo baxday bishii la soo dhaafay.

Falkan ayaa wuxuu ka dhacay meel u dhow xero tababar oo ciidamada Ingiriisku ku leeyihiin Kenya oo la yiraahdo (Batuk).

Dhacdadan ayaa waxaa baaraya militariga UK oo awood u leh, wax ka khuseeya booliska Kenyana ma jiro.

Eeddan kufisga la xiriirta ayaa noqoneysa tii ugu dambeysey falal dhaqan xumo wax laga saaray askarta British-ka ee Batuk oo u dhow magaalada Nanyuki oo qiyaastii 200km waqooyiga uga beegan caasimadda Nairobi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More