Madaxweyne Xasan oo hambalyo u diray Madaxweynaha Cusub ee Mareykanka

Nov 06  (Jowhar)- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray dhiggiisa dalka Mareykanka, kaas oo ku guuleystay doorashadaka dhacday dalkaasi.

“Waxaan kuugu hambalyeynayaa Mudane Donald Trump guushaada taariikhiga ah ee doorashada Mareykanka. Waxaan rajeynayaa inaan sii wadno iskaashiga xooggan ee labadeenna wadan, si loo horumariyo nabadda, amniga, iyo horumarka” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Cusub ee dalka Mareykanka ee ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa ka guuleystay Kamala Harris oo hadda ah kuxigeenka Madaxweyne Biden, iyadoo Trump uu markale fursad u helay hoggaaminta Mareykanka oo muddo xileedkiisa hore ahaa 2016 ilaa 2020, xiligaas oo uu ka guuleystay Madaxweynaha hadda ka sii dagaya xilka ee Biden.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More