Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Muqdisho ka furay Madasha Ganacsiga ee Hindisaha Geeska Afrika
Jun 11(Jowhar)Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige ayaa maanta si rasmi ah uga furay magaalada Muqdisho Madasha Ganacsiga ee Barnaamijka Hindisaha Geeska Afrika.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo ah Guddoonka Madashaan (Horn of Africa Initiative) ayaa sheegay in ku faraxsanahay in Barnaamijka Iskaashiga Geeska Afrika markii ugu horresay lagu qabanayo magaalada Muqdisho kaasi oo muhiim u ah l, ayna ka faa’iideystaan dalalka Geeska Afrika.
Shirkaan muhiimka ah ayaa waxaa ka qeybgalaya wafdiyo ka kala socday dalalka xubnaha ka ah hindisaha iyo bahwadaagta horumarineed ee ay ka mid yihiin Bangiga Adduunka (World Bank), Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB_Group), Guddiga Midowga Yurub (EU_Commission), Wasaaradda Horumarinta Jarmalka (BMZ_Bund), iyo Dowladda Boqortooyada Ingiriiska (FCDOGovUK).
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ah Guddoomiyaha Madashaan, ayaa carabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee Hindisaha Geeska Afrika uu ku leeyahay kor u qaadidda ganacsiga iyo isku-xirka dhaqaale ee gobolka, isagoo xusay in Geeska Afrika uu weli yahay mid ka mid ah gobollada ugu hooseeya ee isku-xirka ganacsi, oo qiyaastii 6% keliya uu yahay ganacsiga dhex mara dalalka xubnaha ah Barnaamijka Geeska Afrika ( Horn of Africa Initiative).
“Xilligan ay jiraan caqabado dhaqaale oo baahsan oo caalami ah, ganacsiga iyo maalgelintu waa tiirarka ay ku tiirsan tahay kororka dhaqaalaha qaran iyo midka goboleed, iyadoo sidoo kale la abuuri karo fursado shaqo iyo horumarineed oo dhab ah oo shacabka anfaca,” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Imaan Cige oo hadal ka jeediyay furitaanka Madashaan.
Madashan ganacsi ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo iskaashiga dhaqaale iyo fududeynta isu-socodka badeecadaha, adeegyada, iyo maalgelinta gudaha Geeska Afrika, iyada oo lagu saleynayo qorsheyaasha istiraatiijiyadeed ee ay horumarinayaan dowladuhu iyo bahwadaagta caalamiga ah. Waxa uu socon doonaa muddo laba maalmood ah.