Maxaa kasoo baxay shirkii golaha wasiirada Soomaaliya?

May 29 (Jowhar) Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa looga hadlay amniga guud ee dalka iyo howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah oo Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanku ay ka gaareen guulo.

Kulanka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno muhiim ah oo la xiriira badqabka diyaaradaha ka howgala dalkeenna iyo caqabadaha hortaaggan si xal loogu helo, iyada oo la ilaalinayo badqabka shacabka iyo fulinta Siyaasadda Jaangoynta Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Dowladda.

Golaha Wasiirrada, ayaa sidoo kale u dallacsiiyey darajada Safiir, Mudane  Axmed Jaamac Cumar, iyada oo la tixgalinayo Aqoonta iyo waayo-aragnimadiisa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More