Mucaaradka oo si kulul uga hadlay xisbiga xasan Sheekh uu dhistay, soona saaray go’aano culus

May 14(Jowhar) War saxaafadeed ay si wadajir usoo saareen Madax hore iyo hoggaamiyeyaal xisbi ayaa waxay kaga hadleen xaalada cakiran ee siyaasadeed, iyagoo caddeeyay inay dhimatay Madasha Wadatashiga Qaran, Madaxweynuhuna uu kooxaysi ka doorbiday kaalintii hoggaamineed ee la iskugu keeni lahaa dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka, si looga heshiiyo hawlaha hortebinta leh ee sanadka ka harsan muddo xileedkiisa.

Sidoo kale waxay ku taliyeen in degdeg loo guda-galo wadatashi siyaasadeed oo ay isugu yimaadaan xoogagga siyaasadeed, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, si dalka looga samatabixiyo kalitalisnimo lagu burburinayo dastuurkii heshiiska lagu ahaa, nidaamkii federaalka iyo awood qaybsigii siyaasadeed ee saldhigga u ahaa xasilloonnida dalka, loona abuuro cudud midaysan oo looga hortagayo kooxaha argagexisada.

Waxaa ay uga digeen Madaxweyne Xasan Sheekh inuu ka waan-toobo fidno abuurka uu ugu durbaan tumanayo maamulka Jubbaland, joojiyana xorriyad ka qaadista iyo afduubka siyaasadeed ee uu u adeegsanayo hantida qaranka iyo xilalka dowladda. Waxaa ay ugu baaqeen madaxda dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabeele iyo Koofur-Galbeed oo muddo xileedkeedu dhamaaday in ay shacabkooda xurmeeyaan, qabtaanna doorasho dastuurka waafaqsan, kana waantoobaan in ay Madaxweynaha ku garabsiyaan burburinta nidaamka Federaalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More