Sanbaloolshe oo mar kale noqday xildhibaan ka tirsan BFS
Jun 20 (Jowhar)-C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa markii 3aad noqday Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka BFS Kursiga #HOP058.
Ergada doorashada ee kursiga waxaa soo xaadirtay 101 ergo, Doorashada waxay u dhacday hab xasiloon waxaana cod gacan-taag ah ku guulleystay musharrax Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo helay 98 Cod halka ay ka ka aamustay 3 Codbixiye.
Natiijada waxaa ku dhawaaqay Cabdi Caddow Maxamed oo ka socda Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorrashooyinka Qaranka, waxaana uu goobta ku guddoonsiiyey Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) shahaadada Xildhibaanimo.
Sanbaloolshe ayaa kursigan banneeyay sanad ka hor markii uu noqday Agaasimaha NISA, xilkaasoo todobaad ka hor laga qaaday.
Ku soo laabashadiisa kursigan ayaa ka dhigan dhaq dhaqaaq siyaasadeed oo mar kale uu Golaha Shacabka kula soo laaban doono, waxaana isha lagu hayaa halka uu ku furri-doono geeddiga dhaq dhaqaaqiisa siyaasadeed, maadaama waqti xasaasi ah la galayo.