Shariif Sheekh Axmed oo si kulul uga hadlay caburinta dowladda ay ku heyso warbaahinta

May 24(Jowhar) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo goor dhaw shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa si kulul uga hadlay caburinta saxaafadda iyo cadaadiska ka jira magaalada Muqdisho.

Tirada Suxufiyiinta ay ciidamadda amniga maanta xireen ayuu sheegay iney gaarayaan 7, kuwaasoo la xiray iyagoo ku guda jiray howl maalmeedkooda caadiga ah.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta ay yihiin tiir muhiim u ah dowladnimo iyo dimuqraadiyad, wuxuuna si cad u cambaareeyay tallaabooyinka lagu caburinayo wariyeyaasha iyo warbaahinta madaxa-bannaan.

Ficilada noocan oo kale ah ayuu tilmaamay ineysan hakin doonin howlaha ay mucaaradka doonayaan in dalka doorasho waqtigeeda ku dhacda loogu qabto.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More