Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee maanta loo balansanaa oo baaqday

May 05(Jowhar)Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu maanta baaqday shirkii golaha wadatashiga Qaran, kaasoo qorshaha ahaa inuu maanta ka dhoco xarunta madaxtooyada.

Baaqashada ayaa ka danbeysay kadib markii caadimadda ay iman waayeen madaxda maamulada Puntland, Jubaland, Galmudug iyo Koofur Galbeed, iyadoo madaxweynaha Hirshabelle kaliya uu caasimadda ku sugan yahay.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in madaxda Puntland iyo Jubaland oo horr shirka u qaadacsanaa ay ugu sii darsameen madax kale oo saluug ka muujiyay inuu shirka soo fariisto madaxweynaha SSC Khaatumo Firdhiye.

Firdhiye oo maalin kahor si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada ayaa sheegay inuu shirka fariisanayo, taasoo dhinacyo kala duwan ay diidmo ka muujiyeen.

Lama oga tilaabada xigta ee madaxtooyada sy qaadi doonto, iyadoo beesha caalamka ay culeys xooggan saareyso madaxweyne Xasan inuu Golihii Wadatashiga Qaran dib usoo celiyo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More