Xamaas oo sii deysay Askari haysta dhalashada Isra’iil iyo Maraykan
May 12(Jowhar)-Xamaas ayaa sii daysay Edan Alexander oo haysta dhalashada Isra’il iyo Maraykanka iyada oo doonaysa in la soo nooleeyo wadaxaajoodka lana soo afjaro go’odoominta ay Israail ku hayso Marinka Qaza.
Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas ayaa xaqiijisay fiidnimadii caawa in lagu soo wareejiyay askarigan iyadoo soo bandhigtey sawir muujinaya Alexander oo ay la socdaan xubno Xamaas ah iyo sarkaal ka tirsan ICRC.
Xamaas ayaa sheegtay inay sii deysay Alexander si ay niyad wanaag ugu muujiso madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo todobaadkan booqanaya wadamada Khaliijka Carabta. Dagaalka ayaa muddo kooban la joojiyay si loogu wareejiyo askarigan si ammaan ah.
“Edan Alexander, oo Mareykan ah oo horena loogu maleeyay inuu dhintey oo ay Xamaas sii daysay. Waa War wanaagsan!” ayuu Madaxweyne Trump waxa uu ku qoray bartiisa bulshada ee Runta.
“Dawladda Israa’iil waxay si diiran u soo dhawaynaysaa sii deynta Sergeant Edan Alexander oo ka mid ahaa maxaabiistii Xamaas,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay xafiiska Netanyahu.
Xamaas ayaa sidoo kale sheegtay in tallaabadani qayb ka tahay fududeynta heshiis lagu ogolaanayo in gargaarka bani’aadannimo uu tago Qasa. Qasa ayaa ku jirtay go’doon dhanka Israa’iil ah muddo 70 maalmood ah.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maalinta Talaadada waxa uu booqasho ku tagayaa Bariga Dhexe,
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa sheegay in Mareykanka uu ka warbixiyay qorshaha Xamaas ee ah in la sii daayo Alexander.
Alexander oo ku dhashay Tel Aviv balse ku barbaaray gobolka New Jersey ee Mareykanka, waa 21 sano jir wuxuuna u adeegayay cutub ciidan oo khaas ah oo ku sugan xadka Qasa xilligaas markii ay Xamaas qaadday weerarkii 7-dii Oktoobar.
251 maxbuus ayaa la qabsaday intii lagu guda jiray weerarkii Xamaas ee 2023, waxaana gudaha Qasa wali ku haray 59 ka mid ah, iyadoo ilaa 24 la aaminsan yahay inay nool yihiin.
Shan ka mid ah maxaabiista Qasa ku sugan ayaa la rumeysan yahay inay yihiin muwaadiniin Mareykan ah, waxaana Alexander loo aaminsanyahay inuu yahay qofka keliya ee wali nool.
Xamaas waxay ku sheegtay bayaan ay soo saartay in sii-deyntu qayb ka tahay dadaallo lagu doonayo in lagu gaaro xabbad-joojin, lana oggolaado in raashin, dawooyin iyo sahay kale oo bani’aadanimo loo oggolaado gudaha Qasa — oo 70 maalmood ku jirtay go’doon buuxa oo Israa’iil ay saartay.