Dab qabsaday qeybta Daawada ee Suuqa Bakaaraha magaalada Muqdisho

May 12(Jowhar)-Dab ayaa waxaa uu caawa qabsaday dhisme ku yaal suuqa weyn ee Bakaaraha Magaalada Muqdisho kaasoo lagu guuleystey in la damiyo oo uusan ku fidin qeybaha kale ee suuqa.

Suuqa Bakaaraha oo hore looga bartay in dabka ka kaca uu si dhaqso ah ku fida ayaa waxaa caawa uu noqday mid lagu koobo dhismihii uu ka bilowday.

Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag ayaa sheegay in gaadiidka dab demiska G/Banaadir & Shirkadda Hormuud oo halkaas gaaray ay ku guuleysteen in ay demiyaan dabka.

Waxa uu guddoomiyuhu uu sidoo kale sheegay inaysan jirin dad ku dhintey dabka uuna ka dhashay koronto.

Hase yeeshee dabkan ayaa waxaa uu sababay qasaare maaliyeed iyadoo illaa lix goobo ganacsi ay ku basbeeleen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More