Ra’iisul wasaare kuxigeen 3-aad oo lagu kordhinayo xukuumadda Soomaaliya

May 17 (Jowhar) Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa aqbalay in Ra’iisul Wasaare Kuxigeen 3aad lagu soo daro Xukuumadda, taasoo gogol xaar u ah qorshaha ballaarinta Golaha Wasiirrada oo la doonayo in la gaarsiiyo illaa 28 Wasiir.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo muhiim ah, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Xoosh ayay u badan tahay inuu noqdo Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka 3aad, halka xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka loo magacaabi doono mid ka mid Xildhibaannada ka soo jeeda Gobolka Mudug. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tallaabadan u aqbalay si uu u qanciyo saaxibbada Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka carrooday inuu waayo xilka Guddoomiyaha Xisbiga JSP.

Qorshihii markii hore lagu dhisay Xisbiga JSP ayaa ahaa in Ra’iisul Wasaare Xamse uu noqdo Guddoomiyaha Xisbiga, hase ahaatee doodo siyaasadeed oo gadaal ka yimid ayaa sababay in guddoomiyaha xisbiga loo daayo Madaxweynaha, lana sameeyo Kuxigeenno afar ah oo uu ku jiro Raysalwasaaraha.

Soo-kordhinta kursiga kuxigeenka saddexaad ayaa ka dhigan isbeddel weyn oo ku dhacaya qaabdhismeedka Xukuumadda oo sannadihii la soo dhaafay lahayd hal Ra’iisul Wasaare Kuxigeen. Waxaana markii ugu dambeysay oo sidan oo kale tirada loo badiyo ay ahayd Xukuumadihii kumeelgaarka oo illaa saddex Ra’iisul Wasaare kuxigeen gaarayeen.

Isbeddelkan cusub ayay dadka siyaasadda falanqeeya u arkaan inuu qeyb ka yahay jahwareerka iyo dookh-xumada Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhammaan isku shaandheennadii hore loogu soo sameeyay xukuumadda ay ahaayeen dad isla xeyndaabka ku jira oo aanan laga filayn inay fikrado cusub keenaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More